Common questions

Find common questions from Heritage Park residents

Answers to common questions

This FAQ is meant to provide general information and resources. It is not legal advice. For legal advice, contact a lawyer.

Is relocation mandatory? Do I have to move? Khasab miyaa in aan guuro? Miyaa la iga doonayaa in aan guuro?

We are offering assistance to residents who believe they need to relocate. To be clear, residents in units the City has been able to inspect are not required to leave. The City has NOT made any determination that would REQUIRE residents to relocate for units we have inspected.

As of now, NONE of the occupied units that the City’s Regulatory Services team has inspected meet the criteria for condemnation. That means that residents in those units can request to relocate if they choose to do so but are not required to move by the City.

Waxaanu gargaar u fidineynaa deganayaasha aan is leenahay waxa ay u baahan yihiin in ay guuraan.  Si aan u sii cadeyno, degnayaasha degan guryaha ay magaaladu baaritaanka ku sameysay lagama doonayo in ay guuraan.  Magaaladu KUMA talineyso in dadka degan guryaha ay magaaladu baaritaanka ku sameysay ay WAAJIB ku tahay in ay guuraan.

Xilligan la joogo, guryaha ay baaritaanka ku sameeyeen Waaxda Sharciyada Guryaha ee Minneapolis MA AHA kuwo ka soo baxay shuruudaha keeni kara in lala wareego.  Taas wax ay ka dhigan tahay in dadka degan guryahaas ay codsan karaan in ay guuraan haddii ay doonayaan laakiin ay magaaladu kuma khasbeyso in ay guuraan.  

The City says none of the currently occupied units have met the threshold for condemnation. Magaaladu waxa ay aaminsan tahay in guryaha iminka la degan yahay ay ka soo baxeen shuruudaha loogu aqoonsan lahaa in lala wareego.

Based on the time of inspection, the occupied units have not reached condemnation status. Inspectors issued orders on unoccupied units to “keep unit vacant” until all open code violations have been abated. Teams are prioritizing inspections of units that are occupied.

During the inspection process, inspectors identify violations as outlined in the housing maintenance code and write orders to correct if violations are found.

Iyada oo lagu saleynayo baaritaanka la sameeyey, guryaha la degan yahay ma gaarsiisna heerkii lagula wareegi lahaa.   Shaqaalaha baaritaanka ee magaaladu waxa ay soo saareen in “guryaha aan la daganeyn” loo daayo sida ay yihiin ilaa laga hagaajinayo waxyaabaha ka dhiman ee aan sharciga waafaqsaneyn.  Shaqaaluhu waxa ay muhimadda koowaad siiyeen baaritaanka xaaladda guryaha la degan yahay.  

Intii uu socday baaraitaanka, waxa ay shaqaalaha baaritaanka sameeyey ee magaaladu ogaadeen in la jabiyey qodobo ka mid ah sharciyada u degsan oo sixitaan u baahan. 

How do inspectors look for water damage? What is the threshold to ask people to relocate? Sidee ayaa baarayaashu ku ogaanayaan dhaawaca ka dhasha biyaha? Waa maxay heerka u degsan in dadka la weydiisto in ay guuraan?

If City inspectors determine there is water damage, they write orders to correct the water damaged surface and the underlying cause of the damage (a leaky or broken pipe, for example).

Haddii baarayaasha Magaaladu go’an ku gaaraan inuu jiro dhaawac biyo ka dhashay, waxa ay soo saaraan amar ku amraya in la saxo dhaawaca ka dhashay biyaha iyo sababta keentay dhaawaca (tusale ahaan tubo biyo ka socdaan).   

There are a lot of people coming to Heritage Park. How can I identify a legitimate inspector or other City official? Dadka badan ayaa booqanaya Heritage Park. Sidee ayaa ku aqoonsan karnaa kuwa sharciga ah ama ka socda Magaalada?

There are several City officials, inspectors and third-party testers coming and going on the property. We appreciate residents’ understanding as testing and inspecting is done on the property. Residents should always be comfortable asking for any identification, especially if someone asks to come inside your home.

City inspectors will always be in a uniform and carry appropriate ID. You can see all the uniforms here.

Waxaa jira qaar ka tirsan saraakiisha Magaalada iyo hay’ado kale oo booqanaya guryaha.    Waxaanu idinka mahad celineynaa in aad u ogolaataan baaritaanka iyo hawlaha ay qabanayaan.  Dadka guryaha degan waxa ay weydiin karaan aqoonsigooda, gaar ahaan marka uu qof ku weydiisto inuu gudaha u galo gurigaaga.   

Saraakiisha Magaaladu waxa ay mar kasta xiran yihiin dhar u gaar ah iyo aqoonsi.  Waxa aad dharka ay xiran yihiin aad ka arki kartaa halkan.

Who is the main contact for questions about housing? Maxaan yeelayaa haddii ay waxyaabo kale ka jiraan gurigeyga?

PSS is the main point of contact for residents. They can be reached at 1-888-451-8050 or email at hp@propertyss.com.

La shaqee Property Solutions & Services (PSS) codsiyada la xiriira dayactirka. Waxa aad soo gudbin kartaa codsi dayactir adiga oo ku soo dira barnaamijka loogu talo galay 1-888-41.8050 ama soo booqo xafiiska guryaha si laguu caawiyo.

Will I be penalized for breaking a lease if relocated? Will I lose subsidies if I leave? Ma lagu qaadayaa in aan jebiyey heshiiska kirada haddii meel kale la ii raro? Ma la iga joojinayaa gargaarka guryaha haddii aan doorto in aan iska baxo?

If inspection teams determine that any unit requires condemnation and the household needs to relocate, the City will work with PSS and MPHA to support relocation. The MPHA confirms that no one will lose any current subsidy or be penalized for breaking a lease due to concerns about unit conditions.

MPHA also notes that residents do not need to fill out any forms at this time to preserve either their subsidy or their ability to transfer units.

Haddii ay shaqaalaha baaritaanka magaalada ay go’aan ku gaaraan in guri lala wareego oo qoyska degan laga raro, Magaalada ayaa la shaqeyneysa PSS iyo MPHA si ay qoyska uga caawiyaan guuritaanka.  MPHA waxa ay xaqiijisay in qofna uusan gurigiisa lumin taageerada guryaha ee laga bixiyo ama uusan ganaax ku mudan doonin sida isaga oo jabiyey heshiiska uu guriga ku degan yahay ee xaaladda guriga.

Waxa sida oo kale ay MPHA cadeneysaa in dadka guryaha degan aan laga dooneyn in ay buuxiyaan wax foom ah si ay u helaan taageerada guryaha ama in ay guri kale u wareegaan.  

I see some units that are boarded up. What does that mean? Waxaa ii muuqda guryaha qaar oo daaqadaha iyo albaabada alwaax lagu rakibay. Maxaa loola jeedaa?

Many times, the boards are there to keep out unauthorized people, as many of these units are unoccupied. If the boarded units do not impede another resident’s ability to enter or exit the building safely, people may still live in the rest of the building. The City will write orders to have the boards removed and the damaged areas repaired.

Marar badan waxaa loogu talo galaa in looga ilaaliyo dadka aan ogolaashaha u heysan, iyada oo aan guryaha oo dhan aan la daganeyn.   Haddii guriga alwaaxa lagu wareejiyey uusan caqabad ku aheyn guri kale oo deris ah si ay u galaan ama uga baxaan, dadku way deganaan karaan dhismaha intiisa kale.    Magaalada ayaa amri doonta in alwaaxda laga qaado daaqada iyo albaabada oo guryaha dhaawac gaaray la dayactiro.   

Are there community on-site hours scheduled? Ma jiraan saacado loo qorsheeyey in bulshada lagula kulmo goobta guryaha?

Yes. If you have any immediate needs or questions for the City of Minneapolis, MPHA or PSS, staff will be available at the Community Center at Heritage Park at 1001 Olson Memorial Highway on the following days: 

  • Tuesday, July 28 
  • Thursday, July 30
  • Tuesday, August 4
  • Thursday August 6

Haa. Haddii ay jirto baahi degdeg ah ama su’aal ku saabsan Magaalada Minneapolis, MPHA ama PSS, waxa aad shaqaalaha kula kulmi kartaan Qolka Shirarka (bulshada) ee Herritage Park 1001 Olson Memorial Highway maalmaha soo socda:   

  • Talaado, 28 Luulyo 
  • Khamiis 30 Luulyo
  • Talaado, 4 Agoosto
  • Khamiis, 6 Agoosto

What is the $2.5 million that the Minneapolis City Council approved used for? Waa maxay $2.5 milyan oo Gudiga Maamulka Magaalada Minneapolis ogolaaday in la isticmaali karo?

The $2.5 million was allocated from the City’s Affordable Housing Trust Fund to help address concerns at Heritage Park. The money will be used for two purposes:

  • For Certus or an affiliated entity to hire contractors to perform rehabilitation work on units.
  • For a contracted benefit provider to help with potential relocation activities for eligible residents. We have not yet identified the provider. We will inform you when we have one available to work with you. 

The City is still working through this process and will keep residents informed.

$2.5 Milyan ayaa Dhaqaalaha Guriyeynta ee Magaaladu ogolaaday si wax looga qabto dhibaatada ka taagan Heritage Park. Lacagta laba ujeedo ayaa loo isticmaalayaa:  

  • Certus ama hay’adaha la shaqeeya ayaa qoranaya qandaraaslayaal si ay guryaha u dayactiraan.
  • Hay’ado qandaraas lagu siiyey dadka ka soo baxa shuruudaha ka caawinaya guuritaanka.  Weli go’aan lagama gaarin qandaraaslaha ah shaqada qabanaya. Waxaanu idin soo gaarsiin doonaa marka qadaraasle idinla shaqeeyo la doorto.  

Can you tell me more about being eligible for funding from the City? Wax dheeraad ah ma iiga sheegi kartaa shuruudaha ku xiran dhaqaalaha ay bixiso Magaalada?

The City has drafted a policy that would make funding available for eligible residents who wish to relocate. You can read the policy here 

Residents who receive benefits from MPHA should discuss options with MPHA staff. 

Magaaladu waxa ay diyaarisay sharciyo lagu maamulo dhaqaalaha ay bixiso oo fududeynaya deganayaasha shuruudahaas ka soo baxa in ay guuraan . Sharciyadaas waxa aad ka akhrin kartaa policyakhrin kartaa halkan.  

Deganayaasha gargaar ka hela MPHA waxa ay laxiriiraan shaqaalaha MPHA si ay u ogaadaan waxyaabaha ay kala dooran karaan.