Akhbaarta cudurka Koroonaha oo ku qoran afka Somaliga

Amarkii guri joogistu wuxuu dhamaaday bisha Meey 18. Waxaase lagu bedelay amar cusub oo la yidhaahdo, Minnesotaay Caafimadka ilaali. Ka akhriso amarka cusub halkan isagoo Ingiriis ah mn.gov/covid19.

Badbaadada goobta shaqada iyo caafimaadka | Ganacsiyada | Akhbaar xayaysiin | Liiska gargaarka | Soo sheeg takoorka iyo eexashada

Macluumaadka Xidhiidhka

  • Wac 311 haddii aad rabto inaad la hadasho shaqaalaha magaalada Minneapolis oo ku hadla afka Somaliga
    Isniinta ilaa Jimcaha: 7 a.m. - 7 p.m.
  • Telefoonka waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota ee su’aalaha la xidhiidha caafimadka: 651-201-3920
    Isniinta ilaa Jimcaha: 8 a.m. - 6 p.m.
    Sabtida iyo Axadda: 8 a.m. - 4 p.m.
  • Telefoonka Gobolka ee su’aalaha la xidhiidha iskuulada iyo xannaanada carruurta: 651-297-1304 ama 1-800-657-3504
    Isniinta ilaa Jimcaha: 8 a.m. - 6 p.m.
    Sabtida iyo Axadda: 8 a.m. - 4 p.m.
  • Diyaarinta dhakhsaha leh ee Degmada Hennepin ee Khadka caawimaada COVID-19: 612-348-3000
    8 a.m. - 8 p.m.
    7 maalmood/todobaadka
  • Gargaarka dhanka sharciga ah ee kireystayaasha reer Minnesota loo fidiyo. HOME Line waxay bixisaa adeeg ku baxa Afka-Soomaaliga. Af-Soomaali wac 612-255-8860.

Barnaamij Idaacadeed oo Somali ah - "Magaaladayda Minneapolis" (KALY 101.7 FM)

Waa barnaamij ka baxa raadiyaha KALY bishiiba mar oo maamulka magaaladu ugu talagalay in lagu wacyigeliyo korna loogu qaado aqoonta mowduucyada muhimadda gaarka ah u leh busha weynta Bariga Africa ee ku dhaqan Minneapolis.

Ka dhegayso halkan wararkii hore ee raadiyaha

Abriil 16, 2020

April 16: Help for small businesses. Business development specialist Suado Abdi shares information on how small businesses affected by the pandemic can apply for forgivable no-interest loans.

Abriil 9, 2020

April 9: Pandemic. Infectious disease expert Dr. Osman talks about the COVID-19 pandemic and what everyone should do to prevent the spread of the disease.

Minnesotaay Caafimadka Ilaali

Ka akhriso amarka cusub halkan isagoo Ingiriis ah mn.gov/covid19.

Yaan la xiriirayaa haddii aan su'aal ka qabo amarka in reer Minnesotaay Caafimadka ilaali?

Fadlan HA SOO wicin 911 haddii aysan aheyn xaalad degdeg ah. Haddii aad degan tahay Minneapolis, waxa aad wici kartaa 311 ama 612-673-3000, haddii aad ku sugan tahay meel ka baxsan magaalada. Akhri Su’aalaha Inta Badan La Isweydiin karo ee ka soo baxay xafiiska Gud. Walz's office.

#StaySafeMN

Stay safe order permitted activities in Somali poster preview image
Download

Waxay Bilaabanaysaa Mey 18

Dukaanada tafaariiqlaha, moolalka, iyo jidadka ganacsiga waxa dib loo furi karaa haddii ay leeyihiin qorshe bedqab oo ay dhaqaynayaan waxaan ka badnayn boqokiiba 50.

Makhaayadaha, baararka, saalonada, iyo jiimamku waa xirnaan doonaan.

Reer Minnesota waa isu-iman karaan saaxiibadood iyo qoyska koox ahaan 10 qof ama kayar.

Isutagyada bulsheed, madani, ku-salaysan caqiido, madadaalo, ama isu-tagyo diineed waa mamnuuc kooxaha ka badan 10 qof.

Ku sii-wad raacista habdhaqanadan bedqabka leh:

  • Dhaq gacmahaaga in badan
  • Is-baadh haddii aad calaamado isku aragto
  • Kala foogaanshaha adkee
  • Xidho maaskaro
  • Joogi guriga markaad karto

mn.gov/covid19

Qorshaha Dhameystirka Maalgelinta ee Minneapolis

Todobaadkii la soo dhaafay, sharci dajiyayaasha gobolku waxa ay ansixiyeen $300 oo milyan iyada oo dawladda dhexena ay ku yaboohday lacagtii ugu badneyd taariikhda $2 tirilyan si loo taageero dadka iyo ganacsatada ay dhibaatadu ka soo gaartay masiibada dhacday. Heer degaan, waxaanu qadeynaa talaabooyin si aanu u xaqiijino in barnaamijyada cusub ee aan soo bandhigeysno ay dhameystir u noqdaan, oo aysan caqabad ku noqon, kuwa gobolka iyo dawladda dhexe.

Duqa Magaalada Frey oo gacan saar la leh Gudiga Maamulka Magaalada iyo madaxda magaalada ayaa u qoondeeyey lacag ka badan $5 million dadka iyo ganacsatada Minneapolis ee dhibaatadu ka soo gaartay masiibadan. More information…

Guriyaynta

Maarso 23, 2020, Gudoomiyaha Gobolka Walz waxa uu saxiixay Amar Sare ee Degdega ah oo sumadiisu tahay 20-14 kaa oo joojiyey guryo ka saaritaanadii iyo amaradii maxkamadaha ee guryo ka bixida ahaa mudadda xaaladan degdeg ah ee cudurka COVID-19 ay jirto. Amarkan Sare waxa uu u fidiyaa cid walba fursad ay si xasiloon hoy ugu helaan waxa uuna ka hortagaa bara-baxa xilligan ay jirto xaaladda caafimaad ee degdega ahi.

Badbaadada goobta shaqada iyo caafimaadka

Si aad u hesho macluumaad dheeri ah oo ku saabsan badbaadada goobta shaqada ama caafimaadka ee la xiriirta COVID-19, booqo www.dli.mn.gov/business/workplace-safety-and-health/mnosha-compliance-novelcoronavirus-covid-19.

Waxaad xaq u leedahay inaad diido inaad ka shaqayso xaaladaha aad adiga, aaminsanaantaada, aad si macquul ah u aaminsan tahay inaad ku dhowdahay in ay kusoo gaarto khatar dhimasho ama waxyeelo jireed. Khatar jir ahaaneed ee culus waxaa ka mid noqon kara jirro shaqada kaasoo gaarta oo kugu keenta naafonimo joogto ah, naafonimo guud oo ku meel gaar ah ama daaweyn caafimaad.

Aaminaad macquul ah oo aad aaminsantahay in ay jirto khatar dhimasho ama waxyeelo jirka ah oo halis ah waxaa ka mid ah in aad si macquul ah u aaminsantahay in shaqaalaha loo xilsaaray inuu ku shaqeeyo hab aan amaan ahayn ama caafimaad xumo leh oo wadata cudurada faafa. Coronavirus waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay cudurwade faafa.

Kala soo xiriir Minnesota OSHA Compliance [email protected], 651-284-5050 ama 877-470-6742 wixii su'aalo ah.

Ganacsiyada

Tababarka: Restaurant Opening Guidance for Businesses (Somali) Khamiis, Meey 28, 2020 2-3 p.m.

Degmada Hennepin

Hagaha samaysashada qorshaha u diyaargarowga COVID-19

Amarka Fulinta 20-48 ee uu soo saaray Gov. Tim Walz Abril 30, 2020, wuxuu u baahan yahay ganacsi kasta oo shaqaynaya inta lagu gudajiro xaaladaha deg degga ah ee wakhtiga nabadu in ay hirgeliyaan Qorshaha u Diyaargarowga COVID-19.

Akhbaar xayaysiin

Stay safe order Somali. Safely adjusting the dials.

Liiska gargaarka

COVID-19 lacagta kabida dhaqaalaha

Soo sheeg takoorka iyo eexashada

COVID-19 cidna ma takooro isaga oo u eegaya qowmiyada, halka aad ka timid, xaaladaada socdaalka, ama wax kale.

Haddii ay kugu dhacday ama aad aragtay dhacdo takoor ama eexasho ah soo wac Khadka Caawinta Takoorka ee Minnesota oo ah 1-833-454-0148 ama ku soo dir foomkan internetka. Khadka caawinta waxaa ka shaqeeya baarayaal ka tirsan Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota. Adeeg turjumaad/turjubaan ayaa laguu heli karaa.

Haddii aad tahay dhibane danbi loo gaystay, oo ay ku jirto fal nacayb ah, ama aad u baqayso nabad gelyadaada, isla markiiba wac 911.

Last updated May 27, 2020

QUICK LINKS

Home

Contact us

Email updates

Find a service

About this site

For employees

Accessibility:
For reasonable accommodations or alternative formats, contact 311.
People who are deaf or hard of hearing can use a relay service to call 311 at 612-673-3000.
TTY users can call 612-263-6850.

Para asistencia 612-673-2700, Yog xav tau kev pab, hu 612-637-2800, Hadii aad Caawimaad u baahantahay 612-673-3500. 

Minneapolis 311       ©1997-2020 City of Minneapolis, MN

CONNECT

311 call center

311 TTY relay service

City of Minneapolis Facebook City of Minneapolis Twitter City of Minneapolis YouTube ChaNNEL Minneapolis 311 Watch Minneapolis City Council TV City of Minneapolis LinkedIn

Minneapolis, City of Lakes logo