Xaaqidda barafka ee agagaarka haamaha

Waa waajib in aad barafka ka xaaqdo agagaarka haamaha qashinka iyo qashinka dib loo warshadeeyo. Taas waxa ay shaqaalaha ka caawisaa in ay gaari karaan.

Haamaha barafka ka xaaq

How to shovel around your recycling and garbage carts

Marka uu baraf da’o, Shaqaalaha Magaaladu waxa ay doonayaan in ay gaari karaan haamaha. 

Waa in aad barafka ka xaaqdaa barafka agagaarka 24 saac gudahood mar kasta oo barafku gaaro 2 inji ama ka badan. Waxaa wanaangsan in aad nadiifiso haamaha ka dib marka uu barafku istaago, laakiin ka hor inta aan la gaarin maalinta xigta ee qashinka la qaadayo.

Si shaqaaluhu haamaha qashinka uga nadiifiyaan, waxaa lagaa doonayaa:

  • In aad barafka ka xaaqdo ugu yaraan 3 dhudhun oo balac ah ee agagaarka haamaha iyo wadada ama waddo lugeedka.
  • Ka xaaq barafka ay ku soo riixeen gawaarida barafka xaaqa.
  • Waa in aad hubisaa in haamaha si fudud lagu dhaqaajin karo.  

Ha soo dhigin haamaha qashinka halka uu gaarigu ka qaaadi lahaa haddii aadan dooneyn in qashinka lagaa qaado ama aadan dooneyn in barafka laga xaaqo.

Haamaha qashinka haku xirin wadada

  • Waa in aad haamaha dhigtaa wadada dambe ee guriga ama waddo lugeedka. Marna ma aha in ay ka soo hormaraan halka ugu dambeysa ee dhismuhu ku eg yahay oo wadada dambe ee guriga ama waddo lugeedku ka bilaabato.

Barafka haku soo xaaqin wadada xagga dambe ee guriga marta

  • Tani waxa ay adkeyneysaa shaqada shaqaalaha qashinka ururiya. Waxa kale oo wadada ay ka dhigeysaa in ay adkaato in gawaaridu mari karaan. Waana arrin sharci daro ah.

Sharciga Magaalada 427.150

Haddii aadan haamaha barafka ka xaaqin

Waxaa suurogal ah in aan qashinka lagaa qaadin

  • Haddii aysan shaqaalaha haamaha qashinka ku soo jiidi karin gaariga, waxaa suurogal ah in aysan qashinka ka daadin karin.

Waxaa suurogal in aan haamaha barafka ka xaaqno ka dibna lacag kaa qaadno

Haddii aan barafka ka xaaqno, waxaa lagaa qaadayaa $30 haantiiba.

Waxaa laga yaabaa in aad sidaas yeelno haddii:

  • Haamaha qashinka, kuwa dib loo warashadeeyo ay barafka ku dhagaan maalinta qashinka lagaa qaadi lahaa oo
  • Baraf ama duufaan dhicin 24 saac gudahood.

Halkan ka arag jaantuska kharashka xaaqidda barafka

Contact us

Solid Waste & Recycling

Public Works

Facebook

Phone

612-673-2917

Address

Eastside Maintenance Facility

2635 University Ave NE

Minneapolis, MN 55418

Office hours

8 a.m. – 4:30 p.m.
Monday – Friday

This building is closed to the public.