Golaha Magaaladdu waxa uu u aqoonsaday bisha Juun in ay tahay Bisha Xusida Muhaajirka iyo

June 17, 2021

Golaha Magaaladdu waxa uu ansaxiyey qaraar (resolution) saakay aqoonsanaya bisha Juun in ay tahay Bisha Xusida Muhaajirka iyo in Axadda Juun 20 ka ay tahay Maalinta Qaxootiga Aduunka. In ka badan 63,000 oo ah dadka ku nool magaaladda Minneapolis ayaa ku dhashay dibada wadanka United States, oo ay ku jiraan qiyaastii 20,000 oo qaxooti aduunka oo dhan ka kala yimid ah.

“Bisha Xusida Mauhaajirku waxa ay fidisaa fursado lagu aqoonsado wax qabadka iyo gacanta ay ka geysteen muhaajiriintu iyo qoysaskoodu qaabeynta taariikhda qaranka, qaniyeynta dhaqanka wadankan iyo gacan ka geysiga dhaqaalaha iyo horukaca wadanka United States,’ ayuu qaraarku dhigayaa.”[Maalinta Qaxootiga Aduunka] waa fursad lagu aqaansan karo laguna qiri karo kartida iyo adkaysiga qaxootiga ka soo qaxay colaad iyo ciqaab wadankii ay u dhasheen iyagoo ka rajo qaba inay gaaraan ka helaan magangelyo iyo nolol wacan United States.”

Shanta wadan ee muhaariinta iyo qaxootiga ugu badan ee Minneapolis 2019 ay kala yimaadeen waa Soomaaliya, Meksiko, Itoobiya, Ekawatoor iyo Hindiya, sida ay sheegay warbixin (report) ay hay’ada (New American Economy) u soo bandhigay gudi Golaha deegaanku leeyahay Arbacadii. Warbixintan buuxdaa waxay kaloo bayaamisay gacan ka geysiga beesha ee dhaqaalaha, iyadoo oo muujisay in Muhaajiriinta iyo qaxootiga magaaladdu ay kasbadeen qiyaastii xoolo dakhli guud oo qoys ah oo gaaraya $1.7 bilyan sannadkii 2019, ayna siiyeen gobolka iyo dowladda hoose canshuur gaaraysa $159 milyan ayna bixiyeen iyana canshuur dowladda dhexe oo ah $284.8 milyan.

Xafiiska Magaalada ee Arrimaha Muhaajirka iyo Qaxootiga (OIRA) waxa uu ka shaqeeyaa inuu hubiyo inuu ka dhigo Minneapolis meel cid walba amaan u ah soo dhaweeysa. Xafiiska OIRA waxa uu talo ka siiyaa hogaanka Magaaladda arrimaha ku saabsan muhaajirka iyo qaxootiga, waxa uuna ku xiraa dadka magaalada degan khayraadyo ka jira beesha iyo hay’ada aan iskaashano, waxa uuna caawiyaa horukicinta iyo ku darida Waxyaabaha ay muhaajiriinta ama qaxootigu la yimaadaan qorshayaasha Magaaladda Minneapolis. Wax badan oo arrimhaa ku saabsan ka ogow Xafiiska Magaaladda ee Arrimaha Muhaajirka iyo Qaxootiga (City’s Office of Immigrant and Refugee Affairs).

Share