Kooxda Ka Hortagga Fal Dambiyeedka oo 28ka Juun Ka Mid Noqonaya Waaxda Xaafadaha Iyo Xiriirka Bulshada

June 17, 2021

Ciidamada Booliska ee Minneapolis (MPD) iyo Waaxda Xaafadaha Iyo Xiriirka Bulshadu (NCR) waxa ay idin ogeysiinayaan in Kooxda Ka Hortagga Fal Dambiyeedka ee MPD oo qeyb muhim ah oo ka tirsan MPD ahaa wax ka badan sodon sano, ay si rasmi ah uga mid noqon doonaan Waaxda NCR ee Magaalada laga bilaabo 28ka Juun 2021. Kooxda Ka Hortagga Fal Dambiyeedka waxaa la hoos keenay NCR sida ay farayaan Gudiga Maamulka Magaalada.

Tan iyo bishii Janaayo ee 2021, shaqaalaha NCR waxa ay gacan saar dhaw la lahaayeen Taliyaha Booliska Arrandondo, Ku xigeenadiisa Waite iyo Fors si loo xaqiiijiyo in Kooxda Ka Hortagga Fal Dambiyeedka ay helaan farsamada casriga ah si ay u gutaan hawlahooda kala duwan. Taas waxaa ka mid ah hawlaha la socoshada dhismayaasha, tabarada ay siiyaan horjoogayasha xaafadaha, tirakoobka fal dambiyeedka, ka qeyb galka kulanka todobaadlaha ah ee MSTAT ee ciidanka nabadgelyada iyo ka istaraatiijiyadda ka hortagga fal dambiyeedka. Waxaa intaas dheer, in xubnaha ka qeyb qaadanaya ay sii wadi doonaan in ay arkaan Kooxda Ka Hortagga Dambiyada oo waxbarasho ku sabsan amaanka dadweynaha u fidinaya kulamada bulshada iyo ururada xaafadaha iyo kulmada la xiriira.

Mas’uuliyadda Kooxda Ka hortagg Fal Dambiyeedka waxa ay si toos ah u hoos imaneysaa Maamulaha Kooxda Ka Hortagga Fal Dambiyeedka ee Jose Velez. Waxaa lagala soo xiriiri karaa jose.velez@minneapolismn.gov.

Share