Gaadiidka iyo gaadiidka dadweynaha

Waxa ay si joogta ah wax uga bedelnaa xirtaanka wadooyinka iyo wado lugeedyada.

Xiritaanka wadooyinka

Wadooyinka xilligan xiran 

  • Wadada lixaad way xirnaaneysaa inta u dhaxeysa Wadada Sadexaad Iyo Afraad (wadada iyo wado lugeedkaba). 

Xilligan, wadooyinka kale way furnaanayaan.  Waanu idinla soo socodsiineynaa marka wadooyin dheeraad ah laga yaabo in la xiro.   Ujeedadeena waa in la yareeyo saameynta ay ku yeelan karto gaadiidka dadweynaha iyo dadka lugeynaya iyada oo la ilaalinayo amaanka mudada uu dhageysigu socdo.   

Arag khariidada aad bedbedeli karto ee wadooyinka xiran.

 

Codso in aad hesho digniinta magaalada ee Gaariidka Dadweynaha (Metro Transit)

Iimeylkaaga ka diiwaan geli si laguugu soo diro xogta ugu dambeysa ee Gaadiidka Dadweynaha (Metro Transit).

Xeyndaabka ku meel gaarka ee amaanka

Magaalada iyo hay’adaha la shaqeeya waxa ay si wadajir ah uga shaqeynayaan xeyndaab ku meel gaar ah oo lagu wareejiyo agagaarka dhismayaasha dawladda.  

Taas waxaa ka mid ah:

  • City Hall (Xafiisyada Magaalada)
  • the Hennepin County Government Center (Xarunta Maamulka Magaalada)
  • the new Public Service Building (Dhismaha Cusub ee Amaanka)
  • the Hennepin County Jail (xabsiga Degmada Hennepin)
  • police precinct stations (saldhigyada booliska)

Sidan waxa ay ahaanayaan mudada uu socdo dhageysiga maxkamadda.