Minneapolis Sustainability

350 S. 5th Street, Room 315M
Minneapolis, MN 55415
sustainability@minneapolismn.gov

City Trees - Somali

Waxaad dalbban kartaa geed qiimihiisu yahay $25 si aad ugu beerato Gurigaaga marka laga baxo Qaboobaha (Barafka).

Magaalada Minneapolis waxay bixinaysaa in ka badan 1,200 (Kun iyo Labo boqol) oo geed oo dhererkoodu yahay ilaa Sideed 8 fiit, halkii geedna uu qiimihiisu yahay $25. Xaafadaha (Ward) 3, 4, 5, 6 iyo 10 waxa ay dalbaan karaan Geedahan laga bilaabo Isniinta, bisha Maarso 7 keeda, (Monday March 07). Xaafahadaha kale iyo dhamaan xaafadaha (Wards) magaalada oo dhana waxay dalban karaan Geedahaan laga bilaabo Isniin bisha Marso 21 deeda (Monday, March 21). Meel ku qoro maalmahaan, oo u diyaar garoow helida Geedahaas. Hadii kale Ka dalbbo geedkaaga www.treetrust.org ama wac telephone ka 952 767 3886. Hadii aad dalbato geed/geedo waa inaad Geedkaaga/Geedahaaga kasoo qaadataa Goobta: Minneapolis Impound Lot, Maalmaha bisha May ay tahay 21, 22, iyo 23 Hadii aadan Goobtaas garaynayn Wac 311 si laguugu tilmaamo.

Geedaha waxaa heli kara oo kaliya dadka hanti ma-guurta ah ku leh Magaalada Minneapolis, qof degan Magaalada, qof ganacsi ku leh, ama Hay’ad ka shaqaysa arimaha danta guud.

Ka dooro noocac kala duwan oo geedo ah iyo waliba dheraro kala duwan, ayna ka mid yihiin geedaha midhaha la cuno leh. Sida loo soo kala horreeyo ayaa laguugu adeegayaa – markaa hore u dalbbo si aad u-hesho xulashada ugu wanaagsan. Halkii milkiilaba waa inuu dalbadaa hal geed, ugu badnaana ilaa sedex Guri.

Geedaha caafimaadka qaba waxa ay xaafadaheena ka dhigaan meelo qurxoon, waxa ayna sare u qaadaan qiimaha Guryaha, waxa ay gacan ka geeystaan iney sifeeyaan hawada aad neefsato, waxa ayna nuugaan wasaqda kaarbon-dhay-ogsaydhka, waxa ay yareeyaan biilka aad ku bixiso Tamarta (Energy), waxa ay ka dhigaan Magaalada qaboow xiliga kulaylaha, waxa ayna Guryaha ka dhigaan meelo Duur joogto ku noolaan karto, waxa kale oo ay gacan ka gaystaan wax ka qabashada Daadadka.

Last updated Aug 4, 2016

QUICK LINKS

Home

Contact us

Email updates

Find a service

About this site

For employees

Accessibility:
For reasonable accommodations or alternative formats, contact 311.
People who are deaf or hard of hearing can use a relay service to call 311 at 612-673-3000.
TTY users can call 612-673-2157 or 612-673-2626.

Para asistencia 612-673-2700, Yog xav tau kev pab, hu 612-637-2800, Hadii aad Caawimaad u baahantahay 612-673-3500. 

CONNECT

311 call center

TTY relay service

 

facebook25x25 twitter25x25 youtube25x25 Minneapolis311icon logo tv 14 footer icon image linkedin_32x32




mpls-logo-white120