Waxaa bilowday xayiraad gawaari dhigashada wadooyinka inta ka harsan xilli qaboobahan laga bilaabo December 17, 2010

Magaaladda Minneapolis waxay soo rogtay xayiraad saamaynaysa dhigashada baabuurta laga bilaabo maalinta Jimcaha December 17 , 2010 ilaa iyo inta qabowga ama xilli barafeedka lugu jiraa ka dhammaanayo sanadkan. Sababta sharcigaan loo soo rogay waxay tahay iyadoo uu da’ay baraf aad u badan sanadkaan isla mar ahaantaasna uu intiisa badan wali dhulka yaalo oo uusan dhalaalin. Si loo hubiyo haddaba in gaadiidka gurmadka deg-degga ah sida dabdamisku u helo jid ku filan oo uu mari karo xaafadaha dhexdooda, waxaa la dhaqan galiyay sharcigaan cusub laga bilaabo 8:00 AM (Sideeda subaxnimo) Jimcaha, December 17, 2010.

Taa macnaheedu waxaa weeye gawaaridda lama dhigan karo dhinaca tirooyinka is le’eg ama dhaban (EVEN side) jidadka magaalada intooda badan ilaa iyo kowda bisha afraad ama April 1, haddii aysan xaaladu is badalin inta ka horaysa oo aan sharcigan la badalin.

Gawaarida waxaad dhigan kartaa labada dhinac ee wadooyinka Gurmadka Barafka (Snow Emergency-ga iyo parkways-ka (dariiqyada ama laamiyada waawayn ee leh calaamda guduudan oo ay ku qorantahay Snow Emergency Route iyo wadooyinka dhexmara parks-ka) iyo sidoo kale dhinaca tirooyinka is dheer ama kinsiga ah ee dariiqyada xaafadaha badankooda dhexmara oo aan ahayn kuwa gurmadka barafka ama parkways-ka.

Haddii aad gaarigaaga dhiganayso mid ka mid ah jidadka magaalada Minneapolis, waa inaad raacdaa sharcigaan cusub, haddii kale waa suurto gal in lugu ganaaxo ama gaariga lagaa jiido.

Haddii magaalada Minneapolis ay iclaamiso ama ku dhawaaqdo xaalad deg-deg ah oo ku saabsan baraf xaaqid inta u dhaxaysa December 17, 2010 ilaa iyo April 1 2010, waxaad raacaysaa sharcigii horay ugu dagsanaa gurmadka baraf xaaqidda. Marka uu dhammaado xilliga baraf xaaqiddu waxaa dib u dhaqan galaya sharcigaan cusub ee diidaya in baabuurta la dhigto dhinaca tirooyinka is leeg (tirooyinka dhabanka ah) jidadka magaalada intooda badan. Fadlan booqo bogga internetka www.MinneapolisMN.gov/Snow si aad u hesho akhbaar dheeri ah oo ku saabsan shuruucda wadooyinka xilliga qaboobaha ama jiilaalka.

Fadlan gudbi warbixintan ku saabsan Xayiirada Baabur Dhigashada wakhtigan Qobowga ah.

Si aad warbixin dheeraad ah u heshid wac khadka gurmadka Barafka ee Magaalada Minneapolis (612) 348-SNOW ama wac 311.

Booqo website-ka Magaalada Minneapolis MinneapolisMN.gov

Ogeysiin E-mail ah si aad heshid booqo E-Mail and Text Message Snow Alerts.

La xiriir Cable Telefishinka canalada 14 iyo 79 oo luuqada kala duwan warbixinta xayiirada baaburta ku baahiya.

Last updated Sep 27, 2011