City Council is now in the process of approving the vision, values, goals and strategic directions that will guide the City’s work for the next four years. Review the draft documents on this site and provide feedback.

Dajinta Hadafka

Gudiga magaalada Minneapolis waxa ay ka shaqeynayaan dajinta hadafka, hawlgalka, ujeedooyinka, iyo istaraatiijiyadda ay magaaladu ku hawlgeli lahayd afarta sano ee soo socota. Boggan waxa aad awood u yeelaneysaan in aad eegtaan qoraalka oo aad ogaataan siyaabaha kala duwan ee aad ra'yigiina uga dhiiban kartaan. 

Fursadaha ay dadweynuhu ra'yi kaga dhiiban karaan ujeedooyinka afarta sano

Faalada ay ka bixiyaan dadweynaha ee mudadaas na soo gaara waxa ay qeyb ka noqonayaan waxyaabaha lagu soo bandhigo dhageysiga dadweynaha ee loo gudbinayo gudiga magaalada si ay u dhaqan geliyaan kulankooda 26ka Maarso. Si faalada aad noogu soo dirtaan iimeylka ay uga mid noqoto diiwaanka dadweynaha, waxaa waajib idinku ah in aad soo raacisaan Magacaaga oo buuxa iyo cinwaankaaga.

Talaabada xigta iyo sida loo adeegsanayo ujedooyinkaas

Waxa ay dadweynuhu ra'yigoodu dhiiban karaan ilaa 14ka Maarso. Marka la gaaro xilligaas, qoraalka dib ayaa loogu noqonayaa oo lagu dhaqna gelinayaa shirka gudiga ee 26ka Maarso.

Laga bilaabo Abriil, waxa ay magaaladu u adeegsan doonaa hadafka iyo istaraatiijiyadda ay ku hawl galeyso ee lagu saleynayo qorshe hawleed kasta. 

Aragti

Minneapolis waa magaalo koreysa oo la socota magaalooyinka casriga ah ee dunida dhaqaalaheeduna kobcayo lehna degaan wanaagsan, halkaasoo dadku dareemayaaan amaan, caafimaad iyo in ay heli karaan fursado ay ku baraaraan kuna faraxsan yihiin.

Waxa aynu noqon doonaa magaalo....

La siman yahay
Ma jirto kala sareyn dadkuna waa u siman yahay frusadaha horumarka.

Amaan ah
Dadku dareemayaan amaan oo heystaan nabadgelyo.

Caafimaad
Waxaanu xoogga saareynaa xaaladda dadkayaga iyo degaanka.

Jiritaanka
Minneapolis waa magaalo dunida la tartami karta, ku faaneysa qowmiyadaha kala duwan lagana heli karo nolol iyo dhaqdhaqaaq kala duwan.

Isdku xirnaashaha
Dadku waxa ay ku xiran yihiin bulshooyinkooda, waxa ay ku xiran yihiin qeybaha kala duwan saameyn ayeyna ku yeelan karaan dadweynaha.

Koritaanka
Iyada oo la ilaalinayo dabeecadaha lagu yaqaan magaalada, dadka iyo gaanacsiga magaaladuba waa mid koraya oo horumar ka muuqdo.

Waxa aynu ka shaqeyneynaa ...

Dib u cusbooneysiinta iyo hal abuurka
Fikrado cusub oo horumrinta ah ayaa mar walba soo kordha.

Gaaritaanka natiiijo la taaban karo.
Shaqada wanaagsan ee aan qabano waa mid lagu qiyaaso sida ay u waafqasan tahay ujeedooyinkeena maanta iyo beriba.

Ka qeyb galinta dadweynaha
Qof ra'yigiisa ayuu dhiibtaa waana la dhageystaa.

Shaqaalaha oo loo muujiyo in la qiimeynayo
Shaqaalaha taageero ayaa loo fidiyaa wayna jecel yihiin adeegga dadweynaha.

Dhisitaanka kalsoonida dadweynaha
Dhamaan waxa loo fidiyaa adeegga iyo macluumaadka.
Waxa aynu ku shaqeynaa hab isu Laab furnaanta, hufan isla markaana wax walba la caddeeyo.

Wada shaqeynta
Waxa aynu u wada shaqeynaa koox ahaan.
Waxaanu qiimeynaa ka qeyb qaadashada bulshada.

Hadafka

Barbaar ku noolaashaha: Minneapolis waa goob amaan ah waana mid leh nolol dhaqdhaqaaq badan oo isku xiran.

Minneapolis oo mid ah: Faraqa kala duwanaashaha waa mid meesha laga saaray iyada oo dadka magaalada oo dhan ka qeyb qaadanayaan kuna barbaarayaan

Xarun dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo hal abuur Ganacsiga kala duwan, mid yar iyo mid weynba, bilaabanaya, u soo guuraya, halkan ayay ku nagaadaan kuna koraan

Goobo aad u wanaagsan: Goobaha banaan ee dadku sameeyo iyo kuwa dabiiciga ah waa kuwo isku imanaya degaan ahaana la ilaaliyey

Magaalo hawlgal ah: Maamulka magaaladu waa mid shaqeynaya kuna xiran bulshada ay u adeegaan

Last updated Mar 20, 2014